Sida loo bilaabo
Lixdan talaabo ayay martaa marka aad hagbad galayso ilaa aad ka qaadanayso.
1. Nala soo xiriir
Imow xafiiska, ama nasoo wac, ama buuxi foomka codsiga. Waxaan kuu sheegaynaa kooxaha furan.
2. Keen shuruudaha
Keen xogtaada iyo damiinkaaga (wakiilka). Shaqaalaha ayaa labadiinaba ku diiwaangelinaya xafiiska.
3. Dooro adeegga iyo qadarka
Hagbad Shilin (maalin kasta) ama Doolar (bil kasta), iyo qadarka aad si joogto ah u bixin karto. Haddii aysan jirin koox furan, waxaa lagu gelinayaa liiska sugitaanka.
4. Hel kaalintaada
Shaqaalaha ayaa kuu qoraya taariikhda aad qaadanayso iyo kaalintaada.
5. Bixi qaybtaada wakhtigeeda
Maalin kasta ama bil kasta, bixi qaybtaada. Shaqaalaha ayaa diiwaangelinaya bixin kasta: taariikhda iyo qadarka.
6. Qaado hagbaddaada
Maalinta kaalintaadu timaado, waxaad qaadanaysaa wadarta wareeggaas, marka laga jaro khidmadda xafiiska. Kadib sii bixi ilaa wareeggu dhammaado.
Shuruudaha
Waxa aad u baahan tahay inaad keento.
Waxaa lagu diiwaangelinayaa adiga iyo damiinkaaga. Damiinku waa qof ka ballanqaada inuu bixin doono hadi aad bixin waydo, waana inuu ogyahay oo aqbalay.
MACMIILKA
- Magacaaga oo buuxaLagama maarmaan
- Lambarka taleefankaLagama maarmaan
- ShaqadaadaLagama maarmaan
- Mushaharka ama dakhliga bishiiLagama maarmaan
- CinwaankaIkhtiyaari
- Kaarka aqoonsigaLagama maarmaan
- SawirLagama maarmaan
- Warqada cadaynaysa shaqadadaLagama maarmaan
Damiinkaaga (wakiilka)
- Magaca oo buuxaLagama maarmaan
- Lambarka taleefankaLagama maarmaan
- ShaqadaLagama maarmaan
- DakhligaLagama maarmaan
- CinwaankaIkhtiyaari
- Kaarka aqoonsigaLagama maarmaan
- SawirLagama maarmaan
- Warqada cadaynaysa shaqadadaIkhtiyaari
Kaarka aqoonsiga iyo sawirka waxay dedejiyaan diiwaangelinta.

Hagbaddaada xigta, ka bilow halkan.
Codso online, nala soo wac ama imow xafiiska. Shaqaalaha ayaa ku hagaya inta kale.